Baydhabo(INO)- Aqoon is weeydaarsi ay soo qaban qaabisay Wasaarada bay’ada & daaqa ee Ee Dowlada Koofur galbeed Soomaaliya ayaa lagu qabtay Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Bay.
Barnaamijkan ayaa ahaa mid hal habeen oo casha ah islamarkaana looga hadlayay daahfurka isticmaalka iyo hoos u dhiga dhuxusha, iyadoo si weyn loo falan qeeyay qatarta ka dhalan karta isticmaalka dhuxusha taasoo ay saameyn ballaaran ku leedahay bay’ada & dhirta oo si sahal ah ku nabaad guurikarta.
Barnaamikjan ayaa waxa ka qayb gallay wasiiro ka tirsan Dowlada Koofur galbeed Soomaaliya, Xildhibaano, agaasimayaal & ururada bulshada.
Agaasimaha wasaarada Ibraahim Sheekh Axmed Gaambi, ayaa falanqeeyay ujeedka barnaamijka & sida looga baahan yahay bulshada in ay u istaagto yareenta isticmaalka dhuxusha, iyadoo si aad ah ay u aqballeen dadkii kasoo qayb gallay, barnaamijkaasi.
Ugu danbeyntii waxaa soo xiray barnaamija wasiira wasaarada Mr Jeylaani Sheekh Axmed, oo gaba gabadii soo gunaanadday isagoo isagana si aad ah uga hadlay qatarta isticmaalka dhuxusha loona baahan yahay bulshada in ay hoos u dhigto isticmaalka dhuxusha.